- Waa waajib in todobadaa xubnood in laga sujuudo marka la tukanaayo.
- Waa karaahiyo in la aruuriyo ama la celceliyo marada iyo timaha marka la tukanaayo.
- waxaa ku waajib ah qofka tukanaaya inuu ku xasilo salaadiisa, taasoo ah inuu xubnaha sujuuda ee todobada ah dhulka dhigo, kuna xasilo ilaa uu digriga sujuuda la imaanayo.
- Nahyiga ku soo arooray in timaha la celceliyo wuxuu gaar ku yahay Raga, waayo Dumarka waxaa la faray salaada inay is asturaan.