- Faatixada akhrinteeda wax kale kama gudi karaan qofka isagoo awooda inuu akhriyo iyada.
- Waa ka buraysaa rakcadda uusan faatixada ku Akhrin qofkii kas u sameeya ama kii aan ogayn ama illawsan, waayo waa rukni Arkaantana sina looma dhaafikaro.
- Faatixada akhrinteedu way ka dhacaysaa qofku hadduu imaamka ku soo gaaro rukuuca.