- Khatarta ay leedahay salaadda jamaacada ee masaajidka oo laga haro.
- Munaafiqiintu u gama jeedaan cibaadadooda is tus iyo magac ku raadin mooyaane, sidaa darteed iman maayaan salaadda waqtiga uu dadku arkayo mooyee.
- Fadliga labada salaadood ee cishaa'iga iyo subaxa oo jamaca lala tukado, waxayna mudan yihiin in la soo xaadiro -jamaca masaajidka- gur-guurashaba ha lagu yimaadee.
- Ilaalinta salaadda cishe iyo tan subaxa waxaa ku jira ka badbaadida munaafiqnimada, ka maqnaan shahooduna waa astaamaha munaafiqiinta.