- Xadiiska waxaa ku cad fadliga salaada fajarka iyo casarka, waayo fajarku waa waqtiga hurdadu ugu macaan tahay, casarkuna wuxuu ku beegan yahay waqti dadku ku mashquul yahay shaqadiisa, qofka labadaa salaadood ilaaliya waa hubaal inuu kuwa kalana ilaalinaayo.
- Salaada fajarka iyo casarka waxaa lagu magacaabay labada qabaw, waayo salaada subax waxaa jooga qabawga habeenka, salaada casarna waxaa jooga qabowga maalintii inkasta oo ay tahay waqti kulul waxayse ka qabowdahay waqtigii ka horeeyey ama waxaa loogu magacaabay in magacu qaalib ka noqday sida loo yiraahdo qoraxda iyo dayaxa: Alqamaraan.