Ibni Abii Awfaa Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ahaa haduu dhabarkiisa ka soo toosiyo rukuuca, wuxuu dhihi jiray: "samic...
Waxa uu ahaa Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiiye-marka uu ka tooso rukuucda salaadda mid dhaha: "Alle wuu maqlaa midka ku xamdiya ee u mahad naqa", o...
Xudayfa Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabigu scw wuxuu dhihi jiray labada sujuudood dhexdooda:"Rabiyow ii dambi dhaaf, Rabigayow ii dambi...
Nabigu scw wuxuu dhihi jiray markuu fariisto labada sujuudood dhexdooda: Rabiyow ii dambi dhaaf, Rabiyow ii dambi dhaaf" wuuna ku cel-celin jiray....
Ibnu Cabbaas Allah ka raali ahaado isagiyo aabbihiibee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu scw wuxuu oran jirey inta u dhaxaysa labada sujuudood: (Al...
Nabigu scw wuxuu ku ducaysan jiray inta u dhaxaysa labad sujuudood ducooyinkan shanta ah ee muslimku si wayn ugu baahan yahay iyado ay ku jirto khayrk...
Xidaan Binu Cabdullaahi Alraqaashi waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan la tukaday Abii Muusa Alashcari, markuu joogo fariisiga ayuu nin dadka ka mid...
Asaxaabta waxaa tujiyey Abu Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaade, markuu soo gaaray fadhiga lagu ataxiyaadsado, nin dadka la tukanaayey ayaa gadaash...
Cabdullaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyadoo calaacashadu ay saaran tahay...
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu baray Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali noqdee- ataxiyaadka salaada la akhriyo, isagoo ga...

Ibni Abii Awfaa Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ahaa haduu dhabarkiisa ka soo toosiyo rukuuca, wuxuu dhihi jiray: "samica Allaahu liman xamidah, Allaahuma Rabanaa lakal-xamdu, mila'asamaawaati wa mila'al ardi wamila'a maa shi'ita min shay'in bacdahu." Ilaahay wuu maqlaa qofka u mahad naqa, Allahayow Rabigayow adaa mahad leh, intay samadu qaado, intuu dhulku qaado iyo muga waxaad adigu doonto oo dhan intaa ka dib".

Xudayfa Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabigu scw wuxuu dhihi jiray labada sujuudood dhexdooda:"Rabiyow ii dambi dhaaf, Rabigayow ii dambi dhaaf ".

Ibnu Cabbaas Allah ka raali ahaado isagiyo aabbihiibee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu scw wuxuu oran jirey inta u dhaxaysa labada sujuudood: (Allahayow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, oo icaafi ina hanuuni, oo i irsaaq).

Xidaan Binu Cabdullaahi Alraqaashi waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan la tukaday Abii Muusa Alashcari, markuu joogo fariisiga ayuu nin dadka ka mid ahaa yiri: salaada waxaa lagu xiriiriyey Biriga iyo Sakada-: markuu Abuu Muuse salaadii ka baxay wuu soo jeensaday, wuxuuna yiri: kiineebaa sidaa iyo sidaa yiri?, dadkii way wada aamuseen, hadana wuu ku celiyey, kiineebaa sidaa iyo sidaa yiri?, dadkii ayaa hadana wada aamusay, wuxuu yiri: waxaa laga yaabaa inaad adigu tiri Xadaanow?, wuxuu yiri: maan dhihin, waxaan ka baqay inaad eraygaa igu garaacdo, nin dadka ka mida ayaa yiri: anaa iri, khayr uun baanan ula jeeday, Abuu Muusaa ayaa yiri: miyeydaan aqoon waxa aad oranaysaan markaad tukanaysaan? Rasuulka Ilaahay scw wuu noo khudbeeyey wuuna noo cadeeyey sunadeena, wuuna nabaray salaadeena, oo wuxuu yiri: "Markaad tukanaysaan safafkiina toosiya, ka dibna midkiin imaam ha idiin noqdo, haduu takbiirsado takbiirsada, markuu dhoho:{Allahayow namari jidka toosan ee aan ahayn kan ay mareen kuwaad u carootay iyo kuwa xaqa ka lumay} [al faatixa:7], idinkuna aamiin dhaha, Ilaahay ayaa idin ajiibayee, haduu takbiirsado ee rukuuco idinkuna takbiirsada oo rukuuca, imaamku wuu idinka hor takbiirsan wuuna idinka hor rukuucine", wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay scw "tani taasay u ahaatay, markuu dhoho: samica Allaahu liman xamidah, idinkuna dhaha: Allahuma rabanaa lakal-xamdu, Ilaahay wuu idin maqliye, Ilaahay Isagaa koreeyee wuxuu ku yiri Nabigiisa scw carabkiisa "samica Allah liman xamidah" hadii uu takbiirsado oo uu sujuudo takbiirsada oo sujuuda imaamku waa idinka hor sujuudin oo idinka soo hor toosine Rasuulku scw wuxuu yiri: tani taasay u ahaatay, hadii la soo gaaro fariisiga wax ugu horeeya ee qofkiin oranayo ha ahaado Ataxiyaatu Adayibaatu Aslawaatu lilaah, Asalaamu calaykum Ayuha Nabiyu wa raxmatu Allah wa barkatuhu, asalaamu calaynaa, wa calaa cibaadi Allahi saalixiin, Ashhadu alaa Ilaaha Ilaa Allaah, wa Ashhadu ana maxamad cabduhu wa rasuuluh.

Cabdullaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- iyadoo calaacashadu ay saaran tahay labdiisa calaacalood ayuu i baray Ataxiyaadka, sida uu ii barayey suurada qur'aanka ah, "ataxiyaatu (salaamo), lilaahi (Illaahay ayey u sugnaadeen),wa salawaatu (salaado), adayibaatu (wanaagyo), asalaamu calayka (nabadi korkaaga ha ahaato), ayuha nabiyu, (nabiyahaw), wa raxmatu Allaahi wa barakaatuh, (iyo naxariista Ilaahay iyo barakooyinkiisu), asalaamu calaynaa, wa calaa cibaadi Allaahi saalixiina (nabadi korkayaga ha ahaato anaga iyo adoomada Ilaahay ee saalixiinta ah), Ashhadu allaa ilaaha Ilaa Allaah, (waxaan qirayaa inaanu jirin ilaah aan Allaah wayne ahayn, wa ashhadu ana Maxamad rasuulu Allaah,(waxaan qirayaa inuu Maxamadna yahay adoonkiisa iyo rasuulkii Ilaahay soo diray)). Ruwaayad kale oo labadoodu wariyeen waxay ahayd: "Ilaahay isagaa salaam ah, hadii midkiin u fariisto salaada ha dhoho: "Ataxiyaatu lilaah, wa salawaatu wa dayibaatu asalaamu calayka ayuha nabiyo wa raxmatu Allaah wa barakaatuh, asalaamu calaynaa wa calaa cibaadi Allaahi saalixiina, marka uu dhoho intaa way gaaraysaa ducadaasi adoon kasta oo saalix ah oo ku sugan samada iyo dhulkaba, waxaan qirayaa inaanu jirin ilaah xaq lagu cibaado oo aan Ilaahay ahayn, waxa kale oo aan qirayaa inuu Maxamadna yahay adoon Ilaahay iyo rasuulkiisa, intaa ka dib ducada waxa uu doonuu ku ducaysanayaa."

Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- mid ku ducaysta oo dhaha: "Allahayow waxaan kaa magan galayaa cadaabta qabriga, iyo cadaabta naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada masiixu dajaal." hadalkale oo muslim leeyahay wuxuu ahaa: "markuu midkiin dhamaysto ataxiyaadka u dambeeya, Ilaahay ha ka magan galo afar: cadaabta jahanama, cadaabta qabriga, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo sharka masiixu dajaal."

Macdaan Binu Abii Dalxa Alyacmari -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Waxaan la kulmay Thowbaan oo ah mawlihii (adeegihii) Rasuulka (kii Nabigu xoreeyey), waxaan ku iri: ii sheeg camal aan falo oo Ilaahay janada igu geliyo? ama wuxuu yiri: waxaan ku iri: camalka Ilaahay ugu jecel yahay, wuu aamusay. hadana waan weydiiyey wuu aamusay. mar saddexaad baan weydiiyey wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan weydiiyey su'aashaa, wuxuuna yiri: "Ilaahay darti sujuuda u badi, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin dambina wuu kaaga dhaafin" wuxuu yiri Macdaan: hadana waxaan la kulmay Abu dardaa waxaana weydiyey -su'aashaas- wuxuuna igu yiri: sidii Thowbaan ii sheegay oo kale.

Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay tiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay inuu yiri: (Salaad lama tukan karo hadii cunto la soo dhigo iyo hadii qofku labada nijaaso isku celinaaya).

Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabiga scw ayuu u yimid oo ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, shaydaan ayaa nakala dhex galay aniga iyo salaadayda iyo akhriskayga, isaga oo i khal-khalinaaya, wuxuu ku yiri Rasuulku "kaasi waa shaydaan la dhoho: khinsab, markaad dareento ka cuudu billayso, xaga bidixna saddex jeer candhuuf u tuf", wuxuu yiri: sidaasaan sameeyey Ilaahay ayaana iga kaxeeyey.

Abii Hureyra Allaha ka raali noqde wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: "Dadka wax aa u tuugo xun midka salaadiisa xadaya" wuxuu yiri: sidee ayuu u xadin salaadiisa? wuxuu yiri: "waa mid aan dhamays tirayn rukuuceeda iyo sujuudeeda".

Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Miyaanu midkiin ka baqayn-ama midkiin miyaanu ka cabsanayn haduu madaxiisa kor u soo qaado imaamka ka hor in Ilaahay madaxiisa ka dhigo madax dameer, ama uu Ilaahay suuradiisa ka dhigo suurad dameer."

Abii Saciid Al-khudri-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee-wuxuu yiri: "Hadii midkiin ka shakiyo salaadiisa, ee uu garan waayo saddex miyuu tukaday mise afar, hatuuro shakiga, oo ha ku dhiso-hakabilaabo- inta uu hubo, hana sujuudo labo sujuudood oo sahwi ah inta aanu salaama naqsan ka hor, haduu shan tukaday salaadiisay buuxinayaan-sujuudu sahwigu- oo witirka ka bi'inaysaa, haduu afar buuxiyeyna shaydaankay dulaynaysaa."