- Qofka tukanaya haduu ka shakiyo salaadiisa oo labada tiro uu mid rajixi waayo wuxuu tuurayaa shakiga wuxuuna ku shaqaynayaa inta uu hubo, waana tan yar, wuuna dhamaystirayaa salaadiisa, wuxuuna sujuudayaa sujuud sahwi inta aanu salaama naqsan ka dibna wuu salaama naqsan.
- Labadaa sujuudood waxay kabayaan salaada, shaydaankana mid dulaysan oo ku hungoobay ujeedadiisii lagana fogeeyey ayey ka dhigaysaa.
- Shakiga xaddiiska kusoo arooray waa shakiga aanu qofku xagna ubadineyn, hadii uu jiro tuhun oo dhinac u bato wuu ku dhaqmi.
- Waxaa la isku boorinayaa in lala dagaalo was-waaska oo la isaga difaaco iyadoo la gudanaayo amarka shareecada.