(Salaad lama tukan karo hadii cunto la soo dhigo iyo hadii qofku labada nijaaso isku celinaaya)
Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay tiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay inuu yiri: (Salaad lama tukan karo hadii cunto la soo dhigo iyo hadii qofku labada nijaaso isku celinaaya).
Waxa wariyay Muslim
Sharaxaad
Rasuulka Ilaahay scw wuxuu reebay in salaad la tukado hadii cunto la soo dhigay, taasoo nafta qofka tukanayaa ay rabto oo uu qalbiga ku hayo.
Nabigu scw wuxuu kaloo uu reebey inuusan tukan karin qofka isku celinaaya labada najaaso oo ah kaadida iyo saxarada, waayo wuxuu mashquul ku yahay inuu dhib isku celiyo.
Hadeeth benefits
Waxaa la gudboon qofka tukanaya inuu iska fogeeyo wax kastoo salaadda ka mashquulinaya intaanu galin salaadda.
Share
Use the QR code to easily share the message of Islam with others