- dhib malaha hadii male xun laga maleeyo qofka calaamadihiisu ka muuqdaan, muuminkuna waa inuu ahaado qof caqlilow ah oo wax fahmi kara oo aan ku sirmin dadka xun iyo faasiqiinta.
- Ujeedadu waa in laga digo malaha iyo tuhunka nafta ku jira oo lugu sii adkaysto, laakiin waxa nafta kusoo dhacaya ee aan ku sii harayn kaasi dhib malaha.
- Waa la xarimay asbaabta keenta in bulshada muslimku kala tagto isna goyso, sida is basaasida, xasadka, iyo wixii la mida.
- Waxaa la isu dardaarmay in muslimka lagula dhaqmo dhaqan walaaltinimo iyo naseexo iyo is jacayl leh.