Ilaahay wuu caroodaa, muuminkuna wuu caroodaa, carada Ilaahay waa inuu muuminku la yimaado wax Ilaahay ka xarimay
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu yiri: "Ilaahay wuu caroodaa, muuminkuna wuu caroodaa, carada Ilaahay waa inuu muuminku la yimaado wax Ilaahay ka xarimay".
Xadiis la isku waafaqay
Sharaxaad
Nabigu wuxuu sheegay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inuu Ilaahay Qiiroodo caroodna karaahsadona, sida muuminkuba u qiiroodo una caroodo una karaahsado, sababta Ilaahay u caroodana, waa in muuminku la yimaaddo waxa Ilaahay ka xarimay ee xumaan ah, sida sinada, liwaadka, tuugonimada, khamri cabida iyo xumaanta kale.
Hadeeth benefits
Waxaa laga digayaa carada Ilaahay iyo ciqaabtiisa hadii lagu dhaco wuxuu xarimay.
Share
Use the QR code to easily share the message of Islam with others