/ Iimaanku wuu ku duugoobaa uurkiina sida ay u duugowdo marada cusubi, Ilaahay waydiista inuu iimaanka ku cusboonaysiiyo qalbigiina

Iimaanku wuu ku duugoobaa uurkiina sida ay u duugowdo marada cusubi, Ilaahay waydiista inuu iimaanka ku cusboonaysiiyo qalbigiina

Cabdullahi Binu Camar Binu Caas Allaha ka raali noqdo asaga iyo aabihiye wuxuu yiri: Nabigu SCW wuxuu yiri: Iimaanku wuu ku duugoobaa uurkiina sida ay u duugowdo marada cusubi, Ilaahay waydiista inuu iimaanka ku cusboonaysiiyo qalbigiina.
Waxaa wariyay Alxaakim iyo Ad-dabaraani

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay in iimaanku ku duugoobo qalbiga muslimka, wuxuu u duugoobaa sida marada cusubi ugu duugawdo isticmaalka dheer. Taas waxaa u sababa cibaadada laga gaabiyo ama in macaasi lagu dhaco iyo naftu waxay jeceshahay in la muquurto. Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay inaan Ilaahay ka barino inuu iimaankeena inoo cusboonaysiiyo, inago gudanayna waajibaadka lana imaanayna dikri badan iyo istiqfaarta.

Hadeeth benefits

  1. Waa la isku booriyey in Ilaahay la weydiisto sugnaanta iyo iimaanka qalbigana lagu cusboonaysiiyo.
  2. Iimaanku waa mid carabka looga dhawaaqo, xubnahana laga camal falo qalbigana laga rumeeyo, wuxuu ku siyaadaa cibaadada wuxuuna ku nusqaamaa macsida.