Jaabir Binu Cabullaahi-Allaha ka raalli ahaadee-wuxuu ka wariyey Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- inuu yiri: "Ka cabsada dulmiga, waay...
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka digay dulmiga, dulmiga waxaa ka mida: dadka oo la dulmiyo, nafta oo la dulmiyo, Ilaahay xaqi...
Abii Muusa Allaha ka raali ahaadee wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay scw ayaa yiri: (Ilaahay waa u kaadiyaa daalimka markuu qabtase ma siidaayo), wuxuu...
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye-in lagu dhegenaado oo lagu socdo dulmiga sida macsida iyo shirkiga, oo laga dulmiyo dadka xaqooda, Ilaahay koreeye...
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaadee isaga iyo aabihiiye. Wuxuu ka wariyey Nabiga Ilaahay scw, Nabiguna Ilaahay ka wariyey inuu yiri: wuxuu Nabigu yiri...
Rasuulku scw wuxuu sheegay in Ilaahay qadaray xasanaadka iyo dambiyada ka dibna uu u cadeeyey laba malag siday u qori lahaayeen.
Qofka damca oo goo...
Ibnu Mascuud Allaha raali ka noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, miyaa naloo qaban wixii aanu waqtigii jaahili...
Wuxuu cadayey Nabigu naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee fadliga uu leeyahay soo galida Islaamku. Qofka islaama ee ay fiicnaato islaamnimadiis...
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Dad ka mida mushrikiinta, ayaa dil badan gaystay, sinadana badsaday, waxayna u yimaa...
Rag mushrikiinta ka mid ah ayaa u yimid Nabiga scw waxayna gaysteen dilal badan iyo sino, waxay ku dheheen Nabiga scw: diinta aad dadka ugu yeeraysaa...
Jaabir Binu Cabullaahi-Allaha ka raalli ahaadee-wuxuu ka wariyey Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- inuu yiri: "Ka cabsada dulmiga, waayo dulmigu wuxuu qofka galinayaa mugdiyada maalinta qiyaame, ka cabsada bukhliga, waayo bukhligu wuxuu halaagay kuwii idinka horeeyey, wuxuuna gaarsiisay inay dhiigooda daadiyaan oo wixii Ilaahay ka xarimay xalaashadaan."
Ibnu Mascuud Allaha raali ka noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, miyaa naloo qaban wixii aanu waqtigii jaahiliga samaynay, wuxuu yiri: qofkii islaama ee wanaag fala loo qaban maayo wuxuu jaahiligii sameeyey, qofkase Islaama oo shirki la yimaada danbigii hore iyo kii dambeba waa lagu ciqaabin.
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Dad ka mida mushrikiinta, ayaa dil badan gaystay, sinadana badsaday, waxayna u yimaadeen Rasuulka scw waxayna ku dheheen: waxaad sheegaysid oo aad dadka ugu yeeraysid waa wax fiican, ee noo sheeg dambiyadii aanu galay wax naga guda, markaasaa waxaa soo dagay: {kuwa aan Ilaahay cid kale la baryin ee aan dilin naf Ilaahay dilkeeda xarimay in xaq lagu dilo mooyee,ee aan sinaysan} [suuratu-furqaan:68], waxaa kaloo soo dagay:{ ku dheh Adoomadaya naftooda ku xad gudbayow, ha ka quusanina naxariista Ilaahay} [suuratu sumar:53].
Xakiim Binu Xisaam Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, iiga waran waxyaabo aan ku cibaadeysan jirey waagii jaahiliga, sida: Sadaqada, xoraynta adoomada, iyo xiriirinta qaraabada ee ajar ma ka helayaa? Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: wixii khayr ahaa ee aad horay u samaysay ayaad ku islaamtay.
Abii Muusa Alashcari -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Ilaahay wuxuu fidiyaa gacantiisa habeenka si uu u tawbo keeno midka maalinta dambaabay, maalintana wuu fidiyaa gacantiisa si uu u towbo keeno midka habeenka dambaabay, ilaa qoraxu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo."
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka ka wariyey scw inu dhahay: (Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo dagaa samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa, Isagoo dhahaya: (yaa i baryaaya oo aan u ka ajiibaa? yaa wax i waydiisanaya oo siiyaa? yaa dambi dhaaf i waydiisanaya oon u dambi dhaafaa?).