Sharaxaad
Nabigu scw wuxuu rabigii ka wariyey inuu adoonku markuu dambi falo ee uu dhoho: Allahayow ii dambi dhaaf, inuu Ilaahay dhahayo: adoonkaygaa dambi falay, oo ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kaasoo astura oo u dhaafa dambiga, ama ku ciqaaba, waan kuu dambi dhaafay. Hadana wuu ku noqday adoonku oo wuu dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii dami dhaaf, Ilaahay ayaa dhahay: adoonkaygaa dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u dambi dhaafay adoonkayga. Hadana wuu ku noqday adoonkaygu oo dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii dami dhaaf, Ilaahay ayaa wuxu dhahay: adoonkaygaa dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u dambi dhaafay adoonkayga, ha sameeyo wuxuu doono kol haduu markuu dambi falaba ka istaagayo, kana murugoonayo, go`aansanayo in aanu ku laaban doonin, laakiin naftiisu ka adkaanayso, dambigiina ku dhacayo, intuu sidaa yahay oo dambaabayo kana tawbo keenayo waan u dambi dhaafi, tawbadaa baabi'isa wixii ka horeeyey.