- Qofka caqliga lehi waa inuu u degdego towbada, oo Ilaahay makrigiisa uusan aamin ka ahaan haduu yahay mid dulmi ku socda.
- Ilaahay casa wajala waa u kaadiyaa daalimiinta kumana soo dadajiyo cuquubada iyago loo seeto dheeraynaayo cadaabkana loo laalaabo hadaysan towbad keenin.
- Dulmigu waa asbaabta ummadduhu umutaan ciqaabta Ilaahay.
- Hadii Ilaahay halaago magaalo waxaa dhici kara in dad saalixiina ku jiraan, kuwaa waxaa lagu soo saarayaa qiyaamaha waxay ku dhinteen ee wanaag ahaa, dhibna kuma haynayso inay ciqaabta kula jireen kuwa daalimiinta ah.