- Towbada waa la qabalayaa inta albaabkeedu furan yahay, albaabkeedana waa la xirayaa hadii qoraxdu ka soo baxdo meesha ay u dhacdo, iyo in qofku towbo keeno inta aanay naftu soo gaarin dhuunta.
- Waa inaan la quusan danbi la qalay awgeed, Ilaahay cafintiisa iyo naxariistiisu waa wayn tahay, albaabka towbaduna waa furan yahay.
- Shuruuda towbada:
- mida 1aad: dambiga oo la joojiyo.
- mida 2aad: waa in laga qoomameeyo dambigii.
- mida 3aad: waa inuu go'aansado inuusan ku noqon dambigaas waligi, waa haduu yahay xuq Ilaahay, haduuse yahay xaq aadane shuruuda towbada waxaa ku jira inuu xaqa aadanaha gudo oo qofkii uu ka galay u celiyo, ama uu ka cafiyo kii ku lahaa.