Xakiim Binu Xisaam Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, iiga waran waxyaabo aan ku cibaadeysan jirey waagii jaahiliga, sida: Sadaqada, xoraynta adoomada, iyo xiriirinta qaraabada ee ajar ma ka helayaa? Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: wixii khayr ahaa ee aad horay u samaysay ayaad ku islaamtay.
Xadiis la isku waafaqay
Sharaxaad
Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey hadii gaalku islaamo in laga ajar siinaayo camalkiisii wanaagsanaa ee waqtigii jaahiliga ee islaamka ka hor uu sameeyey, sida sadaqada, xoraynta adoomada iyo xiriirinta qaraabada.
Hadeeth benefits
Gaalku xasanaadka uu aduunka ku sameeyey aakhiro laga ajar siin maayo haduu gaalnimodiisa ku dhinto.
Share
Use the QR code to easily share the message of Islam with others