- Ku dhawaaqa (laa ilaaha illa-llaah) iyo ku gaalawga wax kastoo Ilaahay sokadii la caabudo shardi bay u tahay soo galida Islaamka.
- Macnaha (laa ilaaha illa-llaah) waa ku gaalowga wax kastoo Ilaahay sokodi la caabudo, sida sanamyada, qabuuraha, iyo qayrkood, iyo in Ilaahay loo kali yeelo cibaadada.
- Qofka la yimaadda tawxiidka una hogaansama shareecada islaamka si muuqata waxaa waajib ah, in la ammaan siiyo, ilaa laga arkayo oo ku caddaanayo wax arinkaa khilaafsan.
- Waa xaaraan maalka muslimka, dhiigiisa, cirdigiisa, xaq la'aan.
- Adduunka inta la joogo dadka waxa lagu xukumayaa waxa laga arko ee ay ficilkooda ku muujinayaan, aakhiro marka la tagana Ilaahay wayne niyadooda iyo qasdigooda ayuu kula xisaabtamin.