- Muhimada ayey u leeyahay wanaag faridiisa iyo xumaanta reebideedu badqabka Bulshda iyo nabadgalyadeeda.
- Qaababka wax lagu baro dadka waxaa ka mid ah tusaale bixinta, si uu macnuhu ugu dhawaado caqliga si muuqaal ah.
- xumaanta muuqata oo lagu dhoco oo la inkiri waayo, waxaa ka dhasha fasahaad bulshada u keena dhibaato.
- halaaga bulshadu wuxuu ka dhashaa dadka xumaanta samaynaaya oo loo daayo inay dhulka fasaadiyaan.
- Xumaanta oo la sameeyo iyo niyada oo la wanaajiyo kuma filna in camalka la hagaajiyo.
- masuuliyada bulshada muslimka ah waa la wadaagaa ee qof kaliya ma saarna.
- Bulshada waa lagu cadaabayaa dambiga uu sameeyey qof gaar ah hadaan la iska qaban xumaanta.
- Dadka xumaanta sameeya waxay u tusaan in xumaantoodu khayr u tahay Bulshada Muslimka ah, sida munaafiqiintu sameeyaan oo kale.