- Xadiiskaani wuxuu sal u yahay cadaynta martabadaha xumaanta lagu badalo ee lagu tir-tiro.
- Arintu waa jaranjaro marka xumaanta la reebayo, qofwalbana waa inta awoodiisa iyo karaankiisu dhan yahay.
- Xumaha oo la reebo diinta wuxuu ka yahay baab aad u wayn qof uu ka dhacayona ma jiro, qof walboo muslim ah waxaa lagu waajibin inta awoodiisu tahay.
- Wanaaga oo la is faro iyo xumaha oo la iska reebo waa sifooyinka iimaanka, iimaankuna wuu kordhaa wuuna naaqusaa.
- Xumaha la reebo waxaa u shardi ah: in la og yahay in waxa la reebayo ay xun yihiin.
- Waxaa shardi u ah badalida munkarka: in aanay ka dhalanayn munkar kaloo ka wayn.
- munkarka in la reebo waxay leedahay aadaab ay haboon tahay in qofka muslim ka ahi barto.
- munkarka in la reebo wuxuu u baahan yahay siyaasad sharciya iyo cilmi iyo aragti dheer.
- munkarka inaan qalbiga laga nicin waxay tusaysaa daciifnimada iimaanka.