- Waa muhiim in sunada laqabsado oo la raaco.
- Waa in la ilaaliyo wacdiga iyo qalbiga jiclcintiisa.
- Waa la amray in la raaco khulafada raashidiinta ah ee mahdiyiinta ah ee afarta ah ee Nabiga scw ka danbeeya, kuwaasoo ah: Abuu Bakar, Cumar, Cusmaan, Cali-Allaha ka raali ahaadee-.
- Waa la diiday in diinta bidco lagu soo daro, bidco kastana waa lumid.
- Waa in la maqlo oo la adeeco cida Muuminiinta madax u noqota, iyadoon macsi lagu raacayn.
- Ahmiyad ayey leedahay in Ilaahay casa wajala laga baqao waqti walba iyo xaalad walba.
- khilaafku wuu ka dhacayaa ummaddaan, hadii uu dhacana waa waajib in loo laabto Sunada Rasuulka scw iyo tii Khulafada Raashidiinta ah.