- Xadiiskani wuxuu ka mid yahay wax yaabaha cadaynaya Nabinimada Suubbanaha-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-waayo wuxuu sheegay waxa ummaddiisa ka dhici doona, siduu u sheegay ayuuna u dhacay.
- Way banaan tahay in la sheego midka wax ku ibtilaysma waxa ku dhici doona ee balaayo ah, si uu naftiisa u diyaariyo, marka waxaasi yimaadana uu u noqdo mid samara ajarna ka raadsada.
- Qabsashada kitaabka iyo sunada Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-waa labada lagaga boxo fitanta iyo is khilaafka.
- Waxaa la isku boorinayaa in la maqalo oo wanaaga lagu adeeco madaxda oo aan lala dagaalamin xataa hadii ay la yimaadaan dulmi.
- Waqtiga fitnada waa in la isticmaalo xikmad oo sunada la raaco.
- Qofku waa inuu guto waajibka isaga saaran isaga haba la dulmiyee.
- Xadiiskani wuxuu daliil u yahay Qaacidada ah: waxa la doortaa labo shar kii fudud ama labo dhib kii sahlan.