- Xadiiskani waa axaadiista uu Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka wariyey Rabigi, waxaana looyaqaan xadiis Aludsi ama xadiis Ilaahi ah, waana xadiiska ereyadiisa iyo macnohooduba Ilaahay ka sugnaadeen, inkastoo aanu lahayn sifaadka Qur'aanku leeyahay ee uu kaga duwan yahay wixii ka soo haray, sida in lagu cibaadaysto akhrintiisa, oo loo dahaaro qaato qaadashadiisa, cajsi gelintiisa iyo icjaaskiisa aysan cidna keeni karin, iyo intaa qayrkeedba.
- Waxaa la reebay in la dhibo awliyada Ilaahay, waxaana lagu booriyey dadku inay jeclaadaan awliyada Ilaahay oo ay gartaan fadliga ay leeyihiin.
- waxaa la faray dadku inay la ciloobaan cadawga Ilaahay oo ay xarimaan xiriirintooda.
- Qofka sheegta inuu wali Ilaahay yahay isagoo sharciga Ilaahay aan raacin been ayuu ka sheegay sheegashadiisa.
- Waxaa lagu gaaraa walinimada Ilaahay gudashada waajibaadka iyo ka fogaanta xaaraanta.
- Asbaabta Ilaahay ku jeclaado adoonka oo ducadiisa ku aqblo waxaa ka mida, inuu sameeyo sunooyinka markuu guto waajibaadka oo uu ka fogaado xaaraanta.
- xadiisku wuxuu tusinayaa sharafta Awliyada Ilaahay iyo in makaanadoodu sarayso.