- Waxaa la reebay in salaad lagu dhex tukado qabuuraha, ama xagooda loola jeesto marka laga reebo salaada janaasada, sidaana sunaday ku cadahay.
- Waxaa loo reebay salaada qabuuraha xagooda in loo tukado, in laga hortago wixii shirki keenikara.
- Islaamku wuxuu reebay in lagu xad gudbo qubuurta iyo in la xumeeyo qubuurta xadka sharciga ka badbadin lama ogola ka gaabina lama ogola.
- Xurmada muslimku waa mid joogto ah xataa isagoo dhintay, Nabigu scw wuxuu yiri: (jebinta lafta maydku waxay la mid tahay isagoo nolol lagu jabiyey).