- Waxaa laga digayaa isku ekeysiinta gaalada iyo faasiqiinta.
- Waxaa la isku boorinayaa isku ekaysiinta saalixiinta iyo ku dayashadooda.
- Dusha oo la isaga ekaado waxay dhaxal siinaysaa uurka la iska jeclaado.
- qofku goodiga iyo danbiga wuxuu ka qaadanayaa hadba sida uu yahay isu ekaysiintiisu iyo nooca ay tahay.
- waxaa la iska reebay in la isu ekaysiiyo gaalada diintooda iyo caadooyinkooda u gaarka ah, wixiise aan intaas ahayn sida in laga barto farsamada iyo wixii la mida ma soo galayaan reebitaankaas.