/ Yuhuuda waa loo carooday, Nasaaraduna waa baadiyoobeen

Yuhuuda waa loo carooday, Nasaaraduna waa baadiyoobeen

Cadiyi Binu Xaatim -Allaha ka raali ahaadee-Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka wariyey inuu yiri: "Yuhuuda waa loo carooday, Nasaaraduna waa baadiyoobeen ."
Waxaa wariyay At-tirmidi

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in yuhuudu yihiin duul Ilaahay u carooday, waayo intay xaqa garteen ayey ku camal fali waayeen. Kiristaankuna waa duul baadiyoobay, waayo waxay ku camal faleen aqoon la`aan.

Hadeeth benefits

  1. Cilmiga iyo camalka oo la isku geeyo ayaa lagaga bad-baadayaa wadada ay mareen kuwa loo carooday iyo kuwa baadiyoobay.
  2. Waxaa laga digayaa wadada yuhuuda iyo kirishtaanku mareen, waxaana la ina farayaa inaan ku ekaano jidka toosan ee Islaamka.