- Fadli ayuu leeyahay talo saarashada llaahay, iyo inuu ka mid yahay asbaabta ugu wayn ee arsaaqada lagu doono.
- Talo saarashada Ilaahay ma diidayso in ficil iyo asbaab lala yimaado, waayo wuxuu sheegay Nabigu scw tawakulka dhabta ahi kama hor imaanayo in aroortii iyo galabtii irsaaqad la doonto.
- Shareecadu waxay ahmiyada siisaa acmaasha qalbiga, waayo tawakalku waa camal qalbiga ah.
- in asbaabta kaligeed la isku haleeyo waa nusqaanta diinta, asbaabta oo laga tagana waa nusqaanta caqliga.