- Waxaa suno ah in la isku salaamo qaabka xadiisku sheegay, haduuse kan socdaa salaamo kan wax fuushan iyo intii xaga hore lagu sheegayba, way banaan tahay laakiin way khilaafsan tahay sida saxda ah ee fadliga badan.
- Salaanta oo loo faafiyo sida xadiiska ku sugan waa sababta keenta is jacaylka iyo isku duubnida.
- Haday isu dhigmaan oo siman yihiin, sida la soo dheegay, waxaa khayr badan hadba kii bilaaba salaanta.
- shareecada Islaamku waa mid kaamil ah oo cadaynaysa wax walba oo dadku u baahan yahay.
- Waa in dadka la baro aadabta salaanta oo qof walba oo xaq lehna xaqiisa la siiyo.