- Waxaa haboon in waxa xun la reebo marka la arko ee u horaysa, dibna aan loo dhigin, hadaanu fasahaad ka xuni ka dhalanayn.
- Cadaabtu maalinta qiyaamaha way u kala daran tahay sida dambiyadu u kala waa-wayn yihiin.
- Sawirida naflaydu waxay ka mid tahay dambiyada waa-wayn.
- Xikmadaha loo xarimay sawirida waxaa ka mida inay shabahdo Ilaahay khalqigiisa, waana isku mid haduu uga jeedo kan wax sawirayaa u ekeysiin ama yaanu uga jeedine.
- Shareecada Islaamku waxay ku dadaashay ilaalinta maalka iyadoo laga faa'iidaysanayo, ka dib marka laga fogeeyo wixii xaaraan ah.
- Waxaa la reebay in la sameeyo sawirada wixii naflay ah qaabkay doontaba ha ahaatee, xataa hadii ay tahay wax la liido.