xawdkaygu wuxuu le`eg yahay intii bil socodkeeda, biyihiisu way ka cad yihiin caanaha, caraftiisuna way ka udug badan tahay miskiga
Cabdullahi Binu Camar Allaha ka rali ahaado isagiyo aabbihiiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: xawdkaygu wuxuu le`eg yahay intii bil socodkeeda, biyihiisu way ka cad yihiin caanaha, caraftiisuna way ka udug badan tahay miskiga, weelashiisuna waa sida xidigaha samada, qofka ku caba waligii ma haraadayo.
Xadiis la isku waafaqay
Sharaxaad
Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay inuu maalinta qiyaame leeyahay xawd, dhererkiisu dhan yahay in loo socdo bil, balaciisuna intaasoo kale. Biyihiisuna ka cadaan badan yihiin caanaha. Caraftiisuna udgoon tahay kana carfoon tahay carafta miskiga. Kirliyadiisuna sida xidigaha samada oo kale u badan yihiin. Qofka kaga caba kirliyadaa xowdka waligii ma haraadayo.
Hadeeth benefits
Xowdka Nabigu scw waa biyo qabad aad u wayn oo ay u soo arooraan muuminiinta ummaddiisa ahi maalinta qiyaamaha.
Nicmo ayuu helayaa qofka ka caba xowdka Nabiga scw oo waligii ma haraadayo.
Share
Use the QR code to easily share the message of Islam with others