- Sababaha loogu dhoco shahawaadka waxaa ka mida in shaydaanku u qurxiyo munkarka iyo waxa xun, ilaa ay naft u aragto wax wanaagsan oo ay u leexato.
- Waxaa la farayaa dadku inay ka fogaadaan shahawaadka xaaraanta ah, waayo waa dariiqa naarta ku aroora, waxa kaloo la is farayaa in lagu sabro khayrka ay naftu dhibsato, waayo waa dariiqa janada ku aroora.
- Fadli ayey leedahay nafta oo lala jihaado iyo cibaadada oo lagu dadaalo oo lagu sabro waxa naftu nacayso iyo mashaqada cibaadada ku xeeran.