- Xaddiiska waxaa ku cad fadliga Cali Binu Abii Daalib-Allaha ka raali ahaadee-, xishoodku umadiidin su'aasha uu Suubanaha waydiin lahaa, oo qof kaluu u adeegsaday si uu u helo jawaabta Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-.
- way banaan tahay in qof kale loo wakiisho su'aal cilmiyeedka fatwada ah.
- Way banaan tahay inuu qofku iska waramo oo u sheegto qof kale wax uu ka xishoonayo oo ay danta iyo maslaxadu keentay.
- waa nijaas madidu, waxaana waajib ah in laga dhaqo jirka iyo dharkaba.
- madida oo qofka ka timaada waa wax yaabaha waysada buriya.
- waxaa waajib ah in ladhaqo xubinta taranka iyo xiniinyaha sida xaddiis kale kusoo aroortay.