- Xadiiskani waa asal ka mida asalada Islaamka iyo qaacido ka mida qaacidooyinka fiqiga, waana: yaqiin shaki laguma suuliyo, asalkuna wuxuu baaqi ku ahaanayaa sidiisa ilaa la hubsado wax sidiisa ka duwan.
- Shakigu ma saameeyo dahaarada, qofka tukanayaana dahaaradiisii ayuu qabaa ilaa uu hubsado inay burtay.