- Waa waajib Dumarku inay ka qubaystaan marka uu ka dhamaado ayaamaha xaydku.
- Salaaddu waa ku waajib mida dhiiga istixaadada qabta.
- Xaydku: waa: dhiiga dabiici ah oo raximku soo saaro, isagoo soo mariya xubinta taranka ee dumarka qaan gaaray, kaasoo ku dhaca dumarka ayaamo la yaqaan.
- Istixaadadu waa: dhiig soconaaya waqti aan ahayn waqtigii dhiiga caadada, kaasoo ka imanaaya qaybta soke ee raximka ee aan ahayn guntiisa hoose.
- Farqiga u dhexeeya dhiiga caadada iyo midka itixaadada: dhiiga caadadu waa madow adag oo ur qarmuun, kan istixaadaduna waa casaan khafiif ah oo aan lahayn ur qarmuun.