- Namiimada iyo kaadida oo aan la ka dhawrin waxay ka mid yihiin dambiyada waawayn iyo asbaabta cadaabta qabriga.
- Waxyaabaha qaybka ah qaarkood oo Ilaahay muujiyey -sida cadaabta qabriga- waxay cadayn u tahay calaamada nabinimada Nabiga scw.
- Ficilka uu Nabigu sameeyey ee ah kala jeexida laanta timirta ah ee uu ka taagay qabriga waxay khaas u tahay Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waayo Ilaahay ayaa tusay xaalka labadaa qof ee qabriga jira, loogana qiyaas qaadan maayo cid kale, waayo qofna ma oga xaalka dadka qabriga ku jira.