- Xadka sharciga ah in la dhaafiyo qubuurta Ambiyada iyo Saalixiintu waxay keenaysaa in Ilaahay sokodi la caabudo, waa waajib in laga digtoonaado asbaabta shirkiga keenta.
- Ma banaana in la aado qabuurta iyado la waynaynayo oo agteeda lagu cibaadaysto, sikasta oo uu Ilaahay ugu dhawaa qofka qabriga ku jiraa.
- Waa la xarimay in qabuurta laga dul dhiso masaajid.
- Waa la xarimay in salaad lagu tukado qabuurta xataa hadaan masjidka loo dhisin salaada janaasada mooye taaso aan weli lagu tukan.