- Waxaa laga digayaa in la dhaafo xadka sharciga ah ee waynaynta iyo amaanta, waayo taasi waxay keenaysaa shirki.
- Arinkii Nabigu scw ka digay way ku dhacaday ummaddani, oo qolo waxay ku xad gudubtay Rasuulka Ilaahay scw, qolona waxay ku xad gudubtay Aalu Baytka, qolona waxay ku xad gudubtay owliyada Ilaahay, markaasay ku dheceen shirki.
- Rasuulka Ilaahay scw wuxuu naftiisa ku sifeeyey inuu yahay adoon Ilaahay, si uu u cadeeyo inuu yahay adoon Ilaahay Rabi u yahay, oo aysan banaanayn in la siiyo wax Ilaahay u gaara.
- Rasuulku scw wuxuu ku sifeeyey naftiisa inuu Rasuul Ilaahay yahay, si uu u cadeeyo in xaga Ilaahay laga soo diray oo ay waajib tahay rumayntiisu iyo raacidiisu.