- Dambiyadu way kala wayn yihiin, sida camalka wanaagsanba uu u kala ajar badan yahay.
- Dambiyada waxaa ugu wayn: Ilaahay oo loo shariig yeelo, ka dibna inaad disho ubadkaaga adigo ka baqaya inuu wax kula cuno, ka dibna inaad ka sinaysato xaaska dariskaaga.
- Irsaaqadu gacanta Ilaahay ayey ku jirtaa, Isagaana kafaala qaaday quudka makhluuqa oo dhan.
- xaqa jaarku waa mid aad u wayn, dhibka loo gaystona dambigiisu waa ka wayn yahay dhibka loo gaysto dadka kale.
- Allaha khaaliqa ah kaligi uun baa xaq u leh cibaadada cid lala wadaajiyona ma jirto.