- Waa la reebay inaan guryaha lagu samayn cibaadada Ilaahay sareeye.
- Waa la reebay in loo safro qabriga Nabiga scw, waayo wuxuu faray in lagu saliyo wuxuuna sheegay in saligu gaarayo, waxaase loo qasdayo oo loo safrayo waa masjidka Nabiga iyo in lagu soo tukado.
- Waa la xarimay in qabriga Nabiga scw laga dhigo ciid, taaso ah in si gaara iyo waqti gaara lagu celceliyo siyaarada, waxaa la mida qabri walba in sidaa lagu sameeyo.
- Maamuuska Ilaahay siiyey Nabiga scw waxaa tusaaya in sharci looga dhigay in lagu saliyo goor walba iyo meel walba.
- Qabriga in lagu tukado reebideeda waxaa go'aamiyey asxaabta Nabiga; sidaa darteed wuxuu reebay Nabigu scw in guryaha laga dhigo sida qabuurta oo kale oo aan lagu tukan.