- Waxaa haboon in lagu mashquulo waxa muhiim ah ee loo baahan yahay, oo laga tago waxa aan loo baahnayn markaa la joogo, iyo inaan laga shaqayn su`aalida shayga aan dhicin.
- Waa xaaraan su'aasha keeni karta inay masalada adkayso iyo furto albaabka shubuhaat keeni kara khilaaf badan.
- Waxaa la isfaray in la iska daayo wixii la iska reebay oo dhan, waayo wax dhib ah kuma jirto ka tagidiisa, sidaa darteed baa loo guud yeelay reebidiisa.
- Waxaa la is amray in shayga la is faray lagala yimaado kolba inta laga awoodo, waayo waxaa dhici kara in samayntiisa dhib noqoto ama la awoodi waayo, sidaa darteed amarku wuxuu noqonayaa in lagala yimaado inta laga awoodo.
- Waxaa la reebay su'aalaha badan-ee wax faa'iido ahi ka dhalaneyn, waxay culumadu u qeybiyeen su'aasha labo qeybood: midda 1aad: waa su'aasha cilmiga iyo aqoonta lagu koror sanayo ee xagga diinta, waana la rabaa taasoo kale, waana su'aalihii asaxaabtu Suubbanaha ay weydiin jireen-naxariis iyo nabadi korkiiye-, midda 2aad: waa su'aasha uu qofku uga jeedo madax adeyg iyo wax adkeyn ama xujeyn, waana midda la reebay.
- Ummaddaan waxaa looga digayaa inay khilaafto Nabigeeda, sidii ku dhacday ummaddihii ka horeeyey.
- Su'aalaha badan ee aan loo baahnayn iyo ambiyada oo la khilaafo waa asbaabta lagu halaagsamo, siiba umuuraha aan la gaari karin sida masalooyinka qaybka ee Ilaahay mooyee cid kale aysan aqoon iyo wixii ku saaban xaalka maalinta qiyaame.
- Waa la reebay in la su'aalo masalooyinka adag, imaam Alawsaaci wuxuu yiri: hadii ilaahay rabo inuu adoonka ka xarimo barakada cilmiga carabiisa waxaa lagu tuuraa masalooyinka ad-adag, waxaan arkay kuwaaso dadka ugu cilmi yar, Ibnu Wahab wuxuu yiri: waxaan maqlay Imaam Maalik oo dhahaya: cilmiga oo lagu murmo nuurka cilmiga ayuu ka tiraa ninka qalbigiisa.