- Waa waajib jacaylka Rasuulku scw waana in laga hor mariyo jacaylka cidkasta oo Ilaahay abuuray
- Calaamada jacaylka Nabiga scw kaamilnimadeedu: waa in sunada Rasuulka scw loo hiiliyo oo naf iyo maalba lagu bixiyo.
- Jacaylka Rasuulku scw wuxuu keenayaa in lagu adeeco wuxuu faro, in la rumaysto wuxuu sheegay, lagana fogaado wuxuu reebay oo la joojiyey, iyo in la raaco lagana tago bidcada.
- Nabiga scw xaqiisu waa ka wayn yahay kana adag yahay dadka oo dhan, waayo isagaa sabab u ahaa inaan ka soo hanuuno baadi, inagana celiyey naarta, kuna liibaano janada.