- Waxaa la is jeclaysiinayaa gudbinta shareecada Ilaahay, qofkana waxaa laga rabaa inuu guto wuxuu xafiday ee uu fahmay haba yaraatee.
- Waa waajib in cilmiga sharciga ah la raadiyo oo la barto, si qofka ay ugu suuro gasho inuu Ilaahay uu caabudo oo diinta Ilaahay si saxa u gaarsiiyo.
- Waxaa waajib ah in la hubiyo sugnaanta xadiis kasta intaan la faafin ama dadka la gaarsiin, taasoo ah digtooni laga qabo inaan la soo galin goodigaas adag.
- Waxaa la isku boorinayaa in hadalka run laga sheego lagana foojignaado tabinta warka, si aan loogu dhicin beenta, gaar ahaana markay tahay xaga diinta Ilaahay casa wajala.