Qur'aanka

Share

{2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha banneysan- nina xurmadda calaamooyinka uu dhigay Alle iyo bil xurmad gaar ah leh midna, hana ( fara gelina) hadyiga, iyo xoolaha la luqun xidhay (ee qurbaanka ah) iyo dadka u socda Beytka Xurmadda leh (Kacbada), iyagoo doonaya Fadliga Rabbigood iyo Raalli gelintiisa. Markaad bogtaan howlaha (Xajka ama Cumrada), markaa ugaarsada (haddaad doontaan), yeysanna naceybka dad idinka hor istaagay Masjidka xurmadda gaarka ahi leh idinku xambaarin inaad xad gudubtaan. Isuguna kaalmeeya sama falka iyo ka dhowrsiga (xumaha), oo ha isugu kaalmeynina denbiga iyo duullaanka (gardarrada ah). Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Hubaal, Alle ciqaabkiisu wuu Daran yahay.} (سورة المائدة : 2).
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُحِلُّواْ شَعَٰٓئِرَ ٱللَّهِ وَلَا ٱلشَّهۡرَ ٱلۡحَرَامَ وَلَا ٱلۡهَدۡيَ وَلَا ٱلۡقَلَٰٓئِدَ وَلَآ ءَآمِّينَ ٱلۡبَيۡتَ ٱلۡحَرَامَ يَبۡتَغُونَ فَضۡلٗا مِّن رَّبِّهِمۡ وَرِضۡوَٰنٗاۚ وَإِذَا حَلَلۡتُمۡ فَٱصۡطَادُواْۚ وَلَا يَجۡرِمَنَّكُمۡ شَنَـَٔانُ قَوۡمٍ أَن صَدُّوكُمۡ عَنِ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ أَن تَعۡتَدُواْۘ وَتَعَاوَنُواْ عَلَى ٱلۡبِرِّ وَٱلتَّقۡوَىٰۖ وَلَا تَعَاوَنُواْ عَلَى ٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۖ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
{94. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wuxuu Alle idinku imtixaani wuxuun (la xidhiidha) ugaadha oo ay gaari karaan gacmihiinna iyo warmihiinnu, si uu Alle u muujiyo kan ka cabsada isagoo aan cidi arkeyn. Qofkii se xadgudba intaa kaddib, wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.} (سورة المائدة : 94).
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَيَبۡلُوَنَّكُمُ ٱللَّهُ بِشَيۡءٖ مِّنَ ٱلصَّيۡدِ تَنَالُهُۥٓ أَيۡدِيكُمۡ وَرِمَاحُكُمۡ لِيَعۡلَمَ ٱللَّهُ مَن يَخَافُهُۥ بِٱلۡغَيۡبِۚ فَمَنِ ٱعۡتَدَىٰ بَعۡدَ ذَٰلِكَ فَلَهُۥ عَذَابٌ أَلِيمٞ
{95. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha dilina ugaadha12 idinkoo xidhan (Xaj ama Cumro), qofkii idinka mid ah oo u dila ula kac (ugaadh isagoo xidhan Xaj ama Cumro), ganaaxiisu waa xoolo nicmooley ah oo u dhigma wuxuu dilay oo sida ay u xukumaan ah labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ahi hadyi la keenayo Kacbada, ama kafaara gud quudin dad masaakiin ah ama dhigankeed oo soon ah, si uu u dhadhamiyo culeyska (natiijada) falkiisa, Alle wuu idinka cafiyey wixii tegay, qofkiise u noqda (denbigaa) mar kale, Alle wuu ka aar gudan. Allena waa Adkaade, Aar goosi leh.} (سورة المائدة : 95).
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَقۡتُلُواْ ٱلصَّيۡدَ وَأَنتُمۡ حُرُمٞۚ وَمَن قَتَلَهُۥ مِنكُم مُّتَعَمِّدٗا فَجَزَآءٞ مِّثۡلُ مَا قَتَلَ مِنَ ٱلنَّعَمِ يَحۡكُمُ بِهِۦ ذَوَا عَدۡلٖ مِّنكُمۡ هَدۡيَۢا بَٰلِغَ ٱلۡكَعۡبَةِ أَوۡ كَفَّٰرَةٞ طَعَامُ مَسَٰكِينَ أَوۡ عَدۡلُ ذَٰلِكَ صِيَامٗا لِّيَذُوقَ وَبَالَ أَمۡرِهِۦۗ عَفَا ٱللَّهُ عَمَّا سَلَفَۚ وَمَنۡ عَادَ فَيَنتَقِمُ ٱللَّهُ مِنۡهُۚ وَٱللَّهُ عَزِيزٞ ذُو ٱنتِقَامٍ
{96. Waxaa la idiin banneeyey ugaadha badda aad ugaarsataan iyo cunnadeedaba - sahay aad leedihiin idinka iyo kuwa socdaalka ah, waxaase la idinka reebay ugaadha barriga aad ugaarsataan inta aad xidhan tihiin (Xaj ama Cumro), dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle ee ah Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin.} (سورة المائدة : 96).
أُحِلَّ لَكُمۡ صَيۡدُ ٱلۡبَحۡرِ وَطَعَامُهُۥ مَتَٰعٗا لَّكُمۡ وَلِلسَّيَّارَةِۖ وَحُرِّمَ عَلَيۡكُمۡ صَيۡدُ ٱلۡبَرِّ مَا دُمۡتُمۡ حُرُمٗاۗ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِيٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
{97. Alle wuxuu u yeelay Kacbada Beytka Xurmadda leh daryeel dadka awgi iyo bisha xurmadda leh iyo hadyiga iyo xoolaha qurbaanka ee calaamadeysan, arrinkani waa si aad u ogaataan in Alle og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, iyo in Alle Og yahay wax walba.} (سورة المائدة : 97).
۞ جَعَلَ ٱللَّهُ ٱلۡكَعۡبَةَ ٱلۡبَيۡتَ ٱلۡحَرَامَ قِيَٰمٗا لِّلنَّاسِ وَٱلشَّهۡرَ ٱلۡحَرَامَ وَٱلۡهَدۡيَ وَٱلۡقَلَٰٓئِدَۚ ذَٰلِكَ لِتَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَأَنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ
{19. Ma waxaad la mid dhigtaan (kan u xil quma) waraabinta xujeyda iyo daryeelka Masjidka xurmadda leh (Kacbada) sida kan rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro oo u jihaada Jidka Alle? Ma aha kuwo siman Alle agtiisa. Allena ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar diidka) madaxa adag.} (سورة التوبة : 19).
۞ أَجَعَلۡتُمۡ سِقَايَةَ ٱلۡحَآجِّ وَعِمَارَةَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ كَمَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَجَٰهَدَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۚ لَا يَسۡتَوُۥنَ عِندَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
{27. Ogeysiina dadka Xajka, waxay kuugu imaan lug iyo iyagoo fuushan rukuub kasta (oo munaasib ah), waxay ka imaan tub kasta oo fog.} (سورة الحج : 27).
وَأَذِّن فِي ٱلنَّاسِ بِٱلۡحَجِّ يَأۡتُوكَ رِجَالٗا وَعَلَىٰ كُلِّ ضَامِرٖ يَأۡتِينَ مِن كُلِّ فَجٍّ عَمِيقٖ
{28. Inay joogaan (u yimaadaan) waxyaalo manaafacaad u leh darteed, oo ay ugu xusaan Magaca Alle maalmo la yaqaan6 wuxuu siiyey oo xoolaha nicmooleyda ah, ee wax ka cuna, waxna ka siiya tabaaleysanaha, faqiirka.} (سورة الحج : 28).
لِّيَشۡهَدُواْ مَنَٰفِعَ لَهُمۡ وَيَذۡكُرُواْ ٱسۡمَ ٱللَّهِ فِيٓ أَيَّامٖ مَّعۡلُومَٰتٍ عَلَىٰ مَا رَزَقَهُم مِّنۢ بَهِيمَةِ ٱلۡأَنۡعَٰمِۖ فَكُلُواْ مِنۡهَا وَأَطۡعِمُواْ ٱلۡبَآئِسَ ٱلۡفَقِيرَ
{29. Markaas ha dhammeeyaan basaastooda7, hana oofiyeen nadarkooda, oo ha ku dawaafeen Baytka horreeyey (Kacbada).} (سورة الحج : 29).
ثُمَّ لۡيَقۡضُواْ تَفَثَهُمۡ وَلۡيُوفُواْ نُذُورَهُمۡ وَلۡيَطَّوَّفُواْ بِٱلۡبَيۡتِ ٱلۡعَتِيقِ
{33. Waxaa idiinku sugan (xoolaha loo bixiyey sadaqada - hadyiga) manaafacaad tan iyo muddo magacaaban11ah, markaas waxaa loo keenaa gowrac Baytka da’da weyn12.} (سورة الحج : 33).
لَكُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗى ثُمَّ مَحِلُّهَآ إِلَى ٱلۡبَيۡتِ ٱلۡعَتِيقِ
{36. Ishkinka (xoolaha waaweyn ee loo loogo hadyi ahaanta - lo'da iyo geela) waxaan idiinka yeelnay wax ka mid ah calaamooyinka (diinta) Alle, waxaa idiinku jira khayr badan, ee ku xusa Magaca Alle korkeeda iyadoo jilib xidhan14, markay u dhacdo dhinacna (waa idiin xalaal), ee wax ka cuna, oo wax ka quudiya miskiinka dhowrsoon iyo weydiistaha, sidaasaan idiinku sakhirnay inaad ku mahdisaan (Alle).} (سورة الحج : 36).
وَٱلۡبُدۡنَ جَعَلۡنَٰهَا لَكُم مِّن شَعَٰٓئِرِ ٱللَّهِ لَكُمۡ فِيهَا خَيۡرٞۖ فَٱذۡكُرُواْ ٱسۡمَ ٱللَّهِ عَلَيۡهَا صَوَآفَّۖ فَإِذَا وَجَبَتۡ جُنُوبُهَا فَكُلُواْ مِنۡهَا وَأَطۡعِمُواْ ٱلۡقَانِعَ وَٱلۡمُعۡتَرَّۚ كَذَٰلِكَ سَخَّرۡنَٰهَا لَكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
{37. Ma gaaro Alle hilibkeedu iyo dhiiggeedu, waxase gaadha ee aqbalka ah Xaggiisa waa ka dhowrsoonidiinna (xumaha). Sidaasuu idiinku sakhiray si aad u weyneysaan Alle hanuunka uu idin hanuuniyey darteed, una bishaaree sama falayaasha.} (سورة الحج : 37).
لَن يَنَالَ ٱللَّهَ لُحُومُهَا وَلَا دِمَآؤُهَا وَلَٰكِن يَنَالُهُ ٱلتَّقۡوَىٰ مِنكُمۡۚ كَذَٰلِكَ سَخَّرَهَا لَكُمۡ لِتُكَبِّرُواْ ٱللَّهَ عَلَىٰ مَا هَدَىٰكُمۡۗ وَبَشِّرِ ٱلۡمُحۡسِنِينَ