- Dambiyada waxaa ka mida kuwo yaryar iyo kuwo waawayn.
- Dambiyada yaryar dhaafidooda waxaa u shardi ah in laga fogaado dambiyada waawayn.
- Danbiyada waawayni waa dambiyada ay ku soo aroortay xad aduunka ah ama loogu goodiyey in aakhiro la cadaabayo, ama ilaahay u caroonaya, ama ku soo aroortay hanjabaad ama la lacnadayo kan ficilka sameeyey sida sinada iyo khamri cabida.