aadaanka salaadda ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib )
Abii Hurayra _Allaha ka raali noqde waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka scw waxaa u yimid nin indhoole ah, wuxuuna ku yidhi Rasuulka scw Rasuulka Ilaahayow, mahaysto qof masaajidka ii kaxeeya oo gacanta iqabta, wuxuuna waydiistay Rasuulka scw inuu u ogolaado inuu gurigiisa salaadda ku tukado, waanu u ogolaaday Nabigu scw, laakiin makuu ka dhaqaaqay ayuu u yeeray, wuxuuna ku yiri:( aadaanka salaadda ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib ).
Waxa wariyay Muslim
Sharaxaad
Nin indhoole ah ayaa Nabiga scw u yimi wuxuuna yiri: Rasuul Ilaahayow, ma halayo qof i caawiya oo gacanta i qabta oo ii kaxeeya masaajidka, salaadaha shanta ah, wuxuu rabay in Rasuulka u fasaxo inuusan jamacada imaan, wuuna u fasaxay, markuu ka dhaqaaqey ayuu u yeeray wuxuuna ku yiri: aadaanka salaadda ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu ku yiri: aadaanka salaadda ajiib.