- Waxaa la isku boorinayaa in la ajiibo mu'adinka.
- Nabiga in lagu saliyo fadli ayey leedahay mu`adinka marka la ajiibo ka dib.
- Waxaa la isku boorinayaa in Nabiga scw Ilaahay loo waydiiyo ''wasiila'' marka lagu saliyo isaga ka dib.
- Wasiiladu waa darajo sare, oo adoon qura maahee cid kale u qalmin.
- Waxaa la cadeeyey Nabiga scw fadligiisa waxaana lagu gaar yeelay darajadaas sare.
- Qofka Ilaahay u waydiiya Nabiga scw ''wasiila'' shafaacadiisa ayuu helayaa.
- Waxaa la cadeeyey Nabiga scw tawaaduciisa waayo wuxuu waydiistay ummaddiisu inay Ilaahay uga barido darajadaas sare, iyadoo darajaas isaga la siin doono.
- Waa Ilaahay fadligiisa iyo naxariistiisa waasaca ah, oo halka xasano waxay u dhigantaa toban iyada la mida.