- Waxaa suna ah in gacmaha la dhoqo intaan weelka la galin waysada ka hor, yaanu hurdaba ka soo toosine, haduu ka soo tooso hurdada habeenka waxaa waajib ah inuu faraha dhaqdo.
- Waxaa haboon in macallinku raaco qaabka ugu dhow ee uu wax ku fahmi karo aqoontuna ugu xasilayso kan wax baranaya, waxaana ka mida in qofka lagu baro ficil,.
- Waxaa la gudboon qofka tukanaaya inuu niyadiisa ka saaro fikirka aduun ee ka mashquulinaya khushuucda salaada, waayo salaada kaamilka ahi waxay ku xiran tahay qalbiga oo jooga oo ku xiran salaada, waayo fikirka maskaxda ku soo dhacaya lagama aamin helo, sidaa darteed waa inuu qofku iskala jihaado waxaas oo aanu isku sii dayn.
- Waa sune in la midigaysto waysaysiga.
- Waa sharci tartiibta kala horaysiinta luq-luqashada iyo san daarsiga iyo firdhinta.
- Waxaa suna ah in la saddexeeyo mayrida wajiga, gacmaha, lugaha, waajibkuse xubintiiba waa hal mar.
- Dambi dhaafka Ilaahay ee dambiyadaa la soo samayey waxay ku xiran tahay labo qodob oo lala yimaado: waysaysiga iyo labo rakcadood oo lala yimaado sida xadiiska lagu soo xusay.
- Xubin kastoo xubnaha waysaysiga ka mid ah waxay leedahay xad: wajiga xadkiisu waa: halka ay timaha madaxa ka baxaan ilaa lafta garka dherer ahaan, hadana dhagta ilaa dhagta kale balac ahaan, gacanta xadkeedu waa: faraha laga bilaabo ilaa suxulka, waana halka gacantu ka laabato ee cududa iyo dhudhunka u dhaxaysa, madaxa xadkiisu waa: timaha fooda laga bilaabo ilaa halka qoorta iyo madaxu iska galaan, masixitaanka dhaguhuna madaxay raacsan yihiin, luguha xadkoodu waa: anqawga oo kaamila iyo kala goyska dhudhunka.