/ Nabigu scw markuu wayso qaadanayo wuxuu dhaqi jiray mar mar kaliya

Nabigu scw markuu wayso qaadanayo wuxuu dhaqi jiray mar mar kaliya

Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdee wuxuu yiri Nabigu scw markuu wayso qaadanayo wuxuu dhaqi jiray mar mar kaliya.
Waxa wariyay Albukhaari

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu ahaa waqtiyada qaar markuu waysaysanayo, xubinaha waysada wuxuu dhaqi jiray hal mar, wuxuu dhaqi jiray wajiga, luqluqushada, san daarsiga, gacmaha iyo lugaha hal mar, waana intaas qadarka waajibka ahi.

Hadeeth benefits

  1. Xubnaha waysada inta waajibka ah in la dhaqo waa hal mar, wixii intaa ka badani waa sune.
  2. Waa sharci waysada hal mar la dhaqayo waqtiyada qaarkood.
  3. Waa sharci in madaxa hal mar la masaxo.