- Qofka Xadaska wayn qaba la aqbalimaayo salaadiisa ilaa uu qubays ku dahaaro qaato, xadaska yarna uu ka wayso qaato.
- Waysadu waa biyaha oo afka lagu shubto laguna wareejiyo lana tufo, biyahana sanka gudihiisa loogu shubo ka dibna laga soo firdhiyo oo wajiga la dhaqo sadex jeer, ka dibna gacmaha la dhaqo ilaa suxulada saddex jeer, ka dibna madaxa oo dhan hal mar la masaxo, ka dibna lugaha la dhaqo ilaa anqawyada saddex jeer.