- Waxaa lagu borinayaa in lagu dadaalo barashada waysaysiga, sunayaashiisa, aadaabtiisa iyo ku camal falkiisa.
- Waysaysigu aad buu u fadli badan yahay, dambiyada yar-yarna waa loogu dhaafaa qofka, dambiyada waawaynse waa in laga toobad keeno.
- Shuruuda dambigu ku baxayo waa in waysada la kaamil yeelo oo lala yimaado waysada iyadoo aan la khaldin sida Nabigu scw u sheegay.
- Dambi dhaafka xadiiskan lagu sheegay wuxuu ku xiran yahay in laga fogaado dambiyada waawayn oo laga towbakeeno, Ilaahay wuxuu yiri: (haddaad ka fogaataan dambiyada waawayn ee laydinka reebay waxaan idiin dhaafi dambiyadiina-yar-yar-) [Annisaa:31].