- Magan galku waa cibaado, waana in la magan galo Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa.
- Waa banaan tahay in la magan galo hadlaka Ilaahay, waayo waa sifo ka mida sifaadkiisa, waxaa ka duwan in la magan galo makhluuq Ilaahay abuuray oo iyadu shirki ah.
- Fadliga ay leedahay ducadaasi iyo barakadeeda.
- Adkaarta oo xirsi xir laga dhigto waxay sabab u tahay in adoonka laga ilaaliyo sharta.
- Waa baadil in la magan galo cid aan Ilaahay ahayn sida jinka, saaxiriinta, dajjaaliinta iyo wixii la mida.
- Waxaa sharci ah in la akhristo ducadaan marka meel magaalo ah la dego ama safar la yahay.