- Dahaaradu waa labo dahaaro: dahaarada muuqata waa weysada iyo qubeyska, dahaarada qarsoona waa towxiidka, iimaanka iyo camalka saalixa ah.
- Muhimad ayey leedahay ilaalinta salaadu, Adoonka salaadu waxay u tahay nuur aduunka iyo maalinta qiyaameba.
- Sadaqaduna waxay daliil u tahay in iimaanku run yahay.
- Muhimad ayey leedahay ku camal falka qur'aanka iyo rumayntiisu si uu kuugu noqdo xujo, oo aanu kugu noqon xujo.
- Nafta hadaanad ku mashquulin daacada Ilaahay macsi ayey kugu mashquulin.
- Qof waliba waa hubaal inuu shaqeynaayo, qofku daacada Ilaahay ayuu naftiisa ku xorayn, ama macsi ayuu naftiisa ku halaagin.
- Sabirku wuxuu u baahan yahay adkaysin iyo ajar raadin wuxuuna leeyahay mashaqo.